January 9, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Guddomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii dhanka Maaliyada Muuse Cabdi Daahiye.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan Sheekh doon Faarax Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo  haatan ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu u magacaabay guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Axmed Ibraahim( Food cadde) halka uu Guddoomiye ku xigeenka degmada Baladweyne loo magaacabay Khadar Xasan Afrax,Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ayaa loo magacabay Ducaale Aadan Cabdi.

Waa markii labaad ee uu xilka ka qaadis ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble xubno ka tirsanmaamulka gobolka Hiiraan, waxana uu hore xilka qaadis ugu sameeyay guddoomiyihii hore Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) isagoo ku bedelay Cali Jeyte Cismaan.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS