May 27, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Dalka
Koonfur Africa Jocob Zuma ayaa saxiixay sharci
cusub oo dadka soo galootiga ah u ogalaanaya
in ay qaadan karaan ama badali karaan
sharcigooda qaxootinimo ka dib kulan uu shir
gudoominayay oo ay yeesheen golaha wasiirada
ee Koonfur Afrika.
Arintan ayaa qaxootiga u saamaxaysa in ay heli
karaan shaqooyin , isla markaana ay ka bixi
karaan xayndaab kasta oo cunaqabatayn iyaga
lagu saari karo, waxaana arintan la sheegay in ay
fursado cusub oo dhaqaale ay u abaarayso
dadka magan-galyo doonka ah.
Qorshahan ayaa bilaaban doona asbuuca labaad
ee bisha todobaad ee sanadkan aynu ku jirno ,
waxaana hal milyan oo qof oo dalka Koonfur
Afrika ku nool ay fursad u haystaan in loo
cusboonaysiiyo waraaqahooda shaqada muddo
laba sano ah.
Wasiirka Guriyaynta Koonfur Afrika Prof Hlengiwe oo shaacisay arintan ayaa sheegtay in

madaxweynaha uu saxiixay qorshahan oo ay
sheegtay in uu dhawaan bilaaban doono ,iyada
oo muhaajiriinta ay dalban karaan waraaqaha
cusboonaysiinta ee dhanka shaqada.
“Waxaan idiin cadayn karaa in golaha wasiirada
ay si rasmi ah u ansixiyaan hindisahan cusub “
ayey tiri wasiiradda oo aan si faah-faahsan uga
hadlin qorshahan cusub oo ay soo dhaweeyeen
boqolaal muhaajiriin ah oo dalkaas ku nool.
Dalka Koonfur Afrika ayaa caan ku
ah beegsiga dadka soo galootiga ah iyo ajnabi
nacaybka gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah oo inta
badan la beegsado ,iyaga oo ku sugan
xarumahooda ganacsiyada ee ku yaala
magaalooyinka waa weyn ee dalkaas.

Soomaali badan ayaa loo arkaa in ay fursad u tahay Go,aanka Dowlada Konfur africa ay fursad ku siisay Dadka soo Galootiga ah.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS