February 19, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle, kaddib bilooyin uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaasoo u joogay howlo u gaar ah iyo olole doorasho.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilligan wajahaya cadaadis, kaddib markii lagu dhaliilay maamulkiisa inuu fadhiidnimo la kow-saday tan iyo markii xilka loo doortay geed fadhi ka dhigtay magaalada Muqdisho.

Cali Cosoble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo mas’uuliyiinta heer degmo, heer gobol iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Cosoble ayaa lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa ku dhawaaqo Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle, iyadoo inta badan la soo gaba gabeeyay wada tashiyadii ku aadanaa dhismaha Golaha Wasiirada iyo sida beelaha u qeybsanayaan xilalka ugu muhiimsan.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dhowaan labo bil ugu kordhiyay Madaxweynaha Hirshabeelle mudada uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada, iyadoo ay u dhamaatay hal bil, bishii labaadna u socoto.
cosoble

DSC05325

COMMENTS