October 22, 2016 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa Maanta lagu Caleemasaarayaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle ahna Xurun Goboleedka Shabellaha Dhexe.

Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka socda Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Wararka qaar ay sheegayaan in Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Kuxigeenkiisa uu ka qeyb galayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn uga soo horjeeday Dhismaha Maamulka Hirshabeelle.

Waxaana sidoo kale ka qayb gelaya qaar ka mid ah madaxda maamul Gobaleedyada dalka sida aan Xogaha Ku helnay.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa Maanta si weyn loo Adkeeyay,waxaana Ciidamada Ammaanka lagu arkayaa Wadooyinka waa weyne ee Magaalada.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS