October 18, 2016 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Cadaado ka dhagax dhigey afar waddo kuwaasoo laga hirgelinayo gudaha magaaladaas Cadaado.
Madaxweyne C/kariin Guuleed oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Galmudug ayaa si rasmi ah u dhagax dhigey dhismaha afartani waddo oo ku taalla caasimadda KMG ah ee Cadaado.

Cabdikariin Guuleed ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado Kaddib ka qeybgalkii doorashada madaxtinimada ee Jowhar ka dhacday.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu horey ugu guuleystay hirgelinta waddooyin kale. Waxaana isku celcelis waddooyinka afarta ah ee magaalada Cadaado laga hirgelinayo ay gaarayaan 4 KM waana Jaay.

Marka koowaad waxaan idiin sheegayaa in waddooyinka ay kor u qaadayaan bilicda magaalada Cadaado aan hirgelinayno maamulka degmada ayaana u mahadcelinayaa waxaana sidoo kale bulshada ugu baaqayaa in ay dhibsan inta ay howshu socoto ayuu yiri madaxwayne Guuleed.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahir Cabdiraxmaan Xuseen oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in hay’ad caalami ah ay ka heleen Galmudug mashaariicda hirgelinta waddooyinka.

COMMENTS