December 5, 2016 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu eedeeyay inuu fara gelin ku hayo doorashada ka socoto magaalada Cadaado ee Lagu dooranayo Xubnaha aqalka Hoose.

Eedeenta loo jeediyay Cabdi kariin Guuleed ayaa ah in uu fara gelin ku Haayo Doorashada aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Galmudug.

Xildhibaan C/qaadir Max’ed Aadan Sandheere oo ah musharax u taagan ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ayaa sheegay in C/kariin Xuseen Guuleed uu fara gelin ba’an uu ku hayo Doorashada.

Waxa uu sheegay in uu wato Ruux aan aheen kan Beeshiisa ay wadato taasina waxa uu ku tilmaamay Nasiib daro in la fara-geliyo Doorashada aqalka Hoose ee Beelaha.

Guddiga Doorashada Heer gobol  ayuu sheegay ineysan u madax banaaneyn howsha doorashada,wuxuuna tilmaamay inuu gacanta kula jiro madaxweyne C/kariin.

Kursiga jufada  Beesha Shiiqaal Ayuu rabaa in uu isaga u’tartamo Xildhibaanka  Hasa yeeshee waxa uu Tilmaamay in Madaxwayne C/kariin Guuleed uu wado gacan bid-xaysi.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS