May 19, 2017 | Posted by admin

Madaxwaynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle “xaaf” ayaa Magaalda Muqdisho kula shiray Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Deegaanada Galmudug.

Madaxwayne Xaaf ayaa kulanka uu la yeeshay Odayaasha ka doo jeeda Beelaha Dega Deegaanada Galmudug kala hadlay dib udhiska Galmudug.

Waxaa ugu Muhiim sanaa Kulanka Uu madaxwaynuhu la qaaday Odayaasha Dib udhiska Galmudug, Nabada , Horunarka , Iyo Taageerada Galmudug ay uga baahan Tahay Shacabkeeda.

” Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Xaaf ayaa Sheegay in Hormar lagu Gaari karo Shacab iyo Dowlad is garab istaaga, Waxuuna Shacabka iyo Beelaha dega Galmudug uu ka dalbaday in ay garab istaagaan Dowlada Cusub ee Galmudug.

Axmed Ducaale Madaxwaynaha Galmudug ayaa la doortay 3 Bishaan May waxuuna wadaa Dar dar xoogan oo ku aadan Wax u qabashada shacabka Ka soo jeeda Galmudug.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS