May 26, 2015 | Posted by admin

Dawladda Burundi waxa ay dadkeeda ka dalbatay in ay lacago ku tabarucaan si ay gacan uga gaystaan in ay qabsoonto doorashada muranka dhalisay ee lagu wado in ay dhacdo bisha lixaad.
Codsiga dawladda waxaa lagu qoray bog Facebook oo ay dawladdu leedahay.
Arrintani waxa ay timid iyada oo Midawga Yurub go’aansaday in uu xanibo in kabadan labo milyan oo doolar oo lagu maalgalinlahaa doorshada.
Dalkaasi waxa soo maray todobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo rabshado wata, waxaana dhicisoobay iskuday afgambi oo ka dhan ahaa iskudayga madaxwaynaha uu ku doonayo in uu xilka isu soo sharaxo markii saddexaad.
Lacagahii doorashada lagu qabanlahaa ayaa gabaabsi ah iyada oo dalkii Belgium oo horay u gumaystay uu sheegay in uu baajiyay lacag la mid ah mida Midawga Yurub.
Midawga Yurub waxa ay sheegeen in ay lacagtaasi xayirayaan inta laga xaqiijinayo doorasho xor iyo xalaal ah.
Intaas waxaa sii dheer, Dublamaasi Faransiis ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Faransiisku uu joojiyay wadashaqayntii dhanka ammaanka ee ay la lahaayen Burundi
Doorashada baarlamaanku waxay ahayd in ay dhacdo talaadada balse toban maalmood ayaa dib loo dhigay
Nkurunziza dadka dhaliishan waxa ay leeyihiin waxa uu ka hor imanayaa dastuurka oo dhigaya in labo jeer oo kali ah xilka madaxwaynenimada laqabto
Maxkamadda dastuurka ee Burundi ayaa sheegtay aan la xisaabinaynin markii koobaad ee uu xilka qabtay madaxwayne Nkurunziza maadaama ay baarlamaanku doorteen ee aysan shacabku dooranin.

COMMENTS