May 17, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo
dhiggiisa dalka Turkiga Erdogan ayaa ku kulmay
Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka,
waxa ayna ka wadahadleen sida ay uga go’an
tahay la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe.
Hasayeeshee Turkiga ayaa aad uga soo horjeedo
xulafada uu Mareykanka la sameystay
ciidammada Kurdiyiinta Suuriya ee la
dagaallamaya Ururka la baxay Dowladda
Islaamiga ah.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen ayaa
Erdogan waxa uu tilmaamay in Turkigu uusan
abid aqbali doonin wadashaqeynta lala yeesho
maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.
Turkiga ayaa u arka maleeshiyaadka Kurdiyiinta
Suuriya ee YPG in ay yihiin farac ka baxay Ururka
Kurdiyiinta ee PKK, kaasI oo dagaal ka wada
gudaha waddanka Turkiga.
Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in uu
hubeynayo maleeshiyaadka YPG oo uu sheegay in
ay yihiin kuwa kaliya ee kooxda dowladda
Islaamka ka qabsan kara magaalada Raqa.
Haseyeeshee Turkiga ayaa arrintaasi ka carooday,
waxa uuna sheegay in marnaba aysan suurtagal
ahayn in la hubeeyo koox argagixiso ah.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS