August 4, 2014 | Posted by admin

Dawladda Maraykanka ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo Mashaariic badan oo ay ku maalgashanayso qaaradda Africa inta uu socdo shir madaxeedka Madaxda Africa iyo Maraykanka.

Konton Madaxweyne oo Afrikaan ah ayaa lagu wadaa inay maanta oo Isniin ah ka qayb qaatan shir madaxeedkan.

Shirkan ayaa lagu wadaa in dawladda maraykanku ay shaaca kaga qaado mashaariic ku kacaysa wax ka badan hal bilyan oo Dollar oo dhinaca ganacsiga ah.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Maraykanku uu maalgalin dheeraada ku sameeyo arrimaha Nabadaynta, iyo sidoo kale malaayiin doolar oo ku bixi doonta arrimaha la xidhiidha tamarta iyo iyo raashinka ee qaaradda Africa.

Inkasta oo shirar sidan oo kale ah ay hore u soo qabtaeen dawladaha Yurub iyo China iyo Japan, ayaa hadana aqalka cad ee Maraykanku waxay ku doodayaan inaanay tallaabadani ahayn mid jawaab u ah maalgashiga ay dawladda China ku samaynso qaaradda Africa.

COMMENTS