October 8, 2017 | Posted by admin

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada hirshabelle iyo galmudug oo gaaray magalada kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.
wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, Xildhibaano, Senatoro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka jubada hoose.
Shirka Madaxda Maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo kadib markii ay halkaasi wada tagaan madaxda maamulada oo qaarkood aan wali gaarin magalada kismaayo.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo wafdigiisa ayaa ka mid ah dadka wali aan gaarin ee lagu wado in uu gaaro magalada kismaayo ee gobolka jubada hoose.

22228425_1925661674354186_8213903798525992122_n 22279646_1925661837687503_2407291226393383199_n

COMMENTS