March 11, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho, Munaasabad lagu soo dhaweeynayay mas’uuliyiinta maamulka khaatumo ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Muqdisho.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen qeybaha bulshada ee ka soo jeeda deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatuma islamarkaana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay  Xildhibaanno, Odayaal iyo xubno kale oo ka socday urrurada Bulshada.

Xafladdaasi oo lagu qabtay Hotelka Saxafi ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso gabayo iyo suugaan kala duwan oo ka turjumeysa taageerada ay bulshada deegaannadaasi u hayaan maamulka cusub ee khaatumo oo dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana halkaasi ka hadlay xubno kala duwan oo ka socday qeybaha bulshada kuwaas oo dareenkooda ku cabirayay taageerada ay u hayaan maamulkaasi.

Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mid ah mudanaaysha baalamaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay maamulkaasi, isagoo ku dhiirigeliyay maamulkaasi in uu si wanaagsan u guto howlaha ay bulshadu uga fadhido.

Madaxweynaha maamulka khaatumo State C/nuur Cilmi Qaaji ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay munaasabad lagu soo dhaweeynayay isaga iyo xubnaha la socday ee ka tirsan maamulkaasi, isagoo sharaxaad ka bixiyay qaabkii uu ku yimid dhismaha maamulkaasi, waxuuna ballan qaaday in maamulku uu dabooli doono baahidii keentay in la dhiso, isagoo ka codsaday qeybaha bulshada in ay taageeraan maamulkaasi.

Maamulka khaatumo oo dhawaan lagu dhisay degmada Taleex ayaa ka mid noqondoona maamulgoboleeedyada ka jira dalka, waxaana xafladaasi heeso ku soo bandhigay kooxda deegaan oo ah koox da’yar oo hadda ku soo biirtay fanka Soomaaliya.

COMMENTS