February 25, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Somalia-Waxaa xalay magaalada London ee dalka Uk lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay taasi oo ay ka qeybgaleen madaxda dalka Soomaalia ee London u tagay ka qeybgalka shirkii looga hadlayay Aayaha iyo Mustaqbalka dalka Soomalia.

Madaxda xaflada ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha dalka Soomalia Shiekh Shariif Sheikh Ahmed,Reysalwasaaraha Soomaalia,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Gudoomiyaha baarlamaanka Soomalia Shiriif Xassan Sheikh Aadan,Madaxweynaha Puntland-Dr-Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed-Madaxweynaha Galmudug-Maxamed Ahmed Caalim , Saraakiisha Culimaa’udiinka Ahlu suna waljamaaca iyo xubno ka sare oo ka mid ah madaxdii ka qeybgashay shirka khamiistii ka dhacay dalkaasi Uk.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmed oo ugu horeyn ka hadlay xaflada ka dhacday magaalada Londo ayaa waxaa uu ka waramay sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu baahan yihiin in ay hellaan dowlada Federaalka ah oo ay kaga gudbayaan xiliga ku meel gaarka ah marka la gaaro bisha Agous ee sanadkan.

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr-Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu faah faahin dheer ka bixiyay qorshaha helitaanka dowalda federaal ah oo looga gudbayo xiliga ku meel gaarka ah waxaana dhinaca kale uu madaxweynaha Puntland ugu baaqay jaaliyaddii Soomaaliyed ee xalay goob jooga ka ahaa xafladu in ay midoobaan.

Dhinaca Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa waxaa uu ka jawaabay su’aal la weydiiyay oo ahayd bal sida uu u arko nuxurka qodobaddii ugu muhiimsannaa ee ka soo baxay shirka 23ka bishan lagu qabtay magaalada London waxaana uu madaxweynaha sheegay inuu soo dhaweynayo shirka ay dowlada Uk u qabatay dhinacayada Siyaasada Soomaalia kaasi oo in ka badan 50 dowladood.

Dhinacyada jaaliyada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaasi ayaa si aad ah u soo dhaweeyay shirka ay dowlada Uk qabatay kaasi oo looga hadlayay Aayaha dalka Soomaalia.

COMMENTS