January 20, 2015 | Posted by admin

Ismail_PresidentErdoğan-690x350-620x330
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in Safar uu kusoo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.
Warar ay heshay Keydmedia Online ayaa Xaqiijinaya in Xilliyada soo Aadan uu imaan doono Madaxweynaha, isaga oo la kulmi doona Madaxda Dowladda Federal-ka ee Soomaaliya.

Sababta uu u Imaanayo ayaa la sheegay in ay ku Jirto in uu Xalliyo Khilaaf aan sidaa u Xooganeyn oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kusoo kala Dhex Galay Xukuumadda Cusub ee Dalku yeelanayo.

Dhanka kale Madaxeynaha Dowladda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan aya isaguna lagu wadaa in uu Muqdisho soo Gaaro, kaasoo lagu Casuumay Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Kedib Casriyeyn lagu Sameeyay.

Labada Mas’uul ayaa la Filayaa in ay Dalka yimaadaan Todobaadkan Gudihiisa, waxaana Muqdisho ay u Diyaar Garoobeysaa Marti Qaadka Madaxdan, Dowladahoodu ay Shacabka Soomaaliyeed aadka Uga Damqadeen Dhibaatadii ay kusoo Jireen 24-ka sano.

COMMENTS