January 11, 2017 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa asna ugu hambalyeeyay mudane Jawaari mar labaad inuu ku guuleysto hoggaaminta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Guddoomiyaha dib loo soo doortay u rajeeyay Guul iyo hormar Afarta Sano ee soo socota ee uu hoggaamin doono Golaha Shacabka.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo helay 141-cod Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labo mar oo isku xigta la doorto

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected].

COMMENTS