November 2, 2012 | Posted by admin

Gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma ayaa soo magacaabay madax cusub oo ay yeelanayaan ergada Midowga Afrika (Amsiom) ee ku sugan Soomaaliya.

War uu maanta qoray wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa la sheegay in Midowga Afrika madaxa howlgalka Amisom ee Soomaaliya usoo magacaabay sarkaal cusub oo u dhashay dalka Chad laguna magacaabo Mr Mahamat Saleh Annadif.

Mr Mahamat Saleh Annadif ayaa la filayaa inuu dhawaan xilka kala wareego ninka xilligaan ah madaxa Amsiom Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra oo u dhashay dalka Mali.

Madaxa cusub ee ergada Midowga Afrika ee Amisom Mr Annadif ayaa hogaamin doona, islamarkaana kormeeri doona qaab howleedka ciidamada Amisom ee Soomaaliya iyo sidoo Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale loo magacaabay inuu noqda wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Mr Annadif ayaa la sheegay inuu yahay siyaasi leh khibrad dublamaasiyeed, wuxuuna xilal kasoo qabtay dhowr wasaaradood oo ay ku jirto wasaaradda arrimaha debadda dalkiisa Chad.

Mr Annadif ayaa sidoo kale muddo ahaa madax ergada joogtada ee Midowga Afrika u fadhiya xarrunta Midowga Yurub ee Brussels.

Mas’uulkan cusub ee loo soo magacabay eragada Midowga Afrika ee Amisom ayaa saraakiil ka tirsan AU sheegeen inuu dhawaan howshiisa ka bilaabi doono Muqdisho.

Madaxan cusub ee Amisom ayaa la sheegay inuu la shaqeyn doono dowladda Soomaaliya, ururu goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo dalalka daneeya Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana la sheegay inuu sii riixi doono horumarka laga gaaray dalka Soomaaliya.

Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra oo ah ninkan xilkaan laga qaaday ayaa loo magacaabay ergaga Midowga Afrika u qaabilsan dalalka harooyinka waaweyn iyo sidoo kale ergada Midowga Afrika u qaablisan dalka Burundi oo la sheegay inuu kala shqeyn doono sidii ay nabadooda usii hormari lahaayeen.

COMMENTS