April 11, 2012 | Posted by admin

Dadka dunidan dulsaaran waxaa lagu kala soocaa af iyo addin, micnaha waxaa lagu kala saaraa dhawaqiyo dhudhun, haddaan si kale u dhaho, waxaa lagu kala duwaa dibna hadal iyo duud heeryo, dabcan,deegaan dayran iyo dabeecad duummanna ha daleel marinxeer beegtixukun dhiganxeyndaab xiran iyo xuduud xeeranna xaf ha uga gudbin.

Soomaalida waxaa lagu tiriyaa, umudaha dunida korkeeda ku nool kuwooda ugu afka hodonsan, dabcan, Anigu isuma marqaati kicine, waxaa marag furay afleyda umadaha kale,qiimayn badan, qotomin fog iyo qiyaas dheer ka dib, illeenusha saarisha mari iyo afka ka sheeg kuma imaane, malahayga Carabiga ayaa naga horreeya ma ahane, afafka kale, waa hore ayaan luxudka ku soo ogaannay.

Midawgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koofur ka dib, iyo curashadii Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya, waxaa maamulkii dalka hoggaanka u qabtay laba af gumaysi, waa Ingiriis iyo Talyaaniye, dabcan, Carabigana ha dhaafin, oo marti aan la moogayn ahaa. Sidaa waxaa ugu wacnaa af soomaaliga oon qornayn! Ku hadlid iyo hawraar isku dhihid waa lahaa, haba jiraan dhawaq guridhihid degmo iyodhaajin tuulee.

Waxaase la isla keeni waayey afka la adeegsanayo, illeen aqoonyahan kasta ama maamule kasta af gaara ayuu soo bartaye, Intii Waqooyiga ka timid nin walba wuxuu adeegsan jiray Ingriiska, halka inta Koorfurtajoogtayna ay adeegsan jireen Talyaaniga, oo ah dabcan, labadii dawladeed oo kala gumaysatay labada gobal, Carabigu wuxuu u ahaa dhextaal, laga yaabee qofku inuu yaqaanno iyo inuusan aqoon, sidaa ayuu ku ahaa “Barbarre” micnaha aan dhanna hayn.

La yaabka dhacay ayaa ah, in marka xafiis dhambaal u diro xafiis kale, jawaabta u imanaysa xafiiska dhambaalka diray ay ku qoran tahay afkii uu ku diray ma ahan af kale, maxaa yeelay, labada masuul ee is weydaarsanaya dhambaalka, ayaa midba af gaara soo baartay, mana jirin af u dhexeeya oo qoran, oo ay ku kala haqab beelaan.

Sidaa ayaa xaalku ku socday sanadihii dawladdii loo baxshay “Musuqmaasuqa” kollay magacyo kale waa jiri karaan, ma ahan muddo yar, waa ku dhawaad toban sano, intaa waxaa sii dheeraa, inay jirtay aragtiyo qalloocan, oo ahayd qofkii aan af qalaad aqoon inuusan waxba ahayn, maya, inuusanba u qalmin inuu dal maamulo danna maareeyo, layaab, qofkii aan Bujuuq bujuuq dhihi karin, waxaaba laga dhigay gun aan gobta la garrami karin!

Hadduu curtay Kacaankii Ciidanka sanaddii 1969-kii, ayna dhalatay “Dawladdii Hantiwadaagga” ayaa loo hawlgalay qorista afka, laba sano ka dib waxaa la hirgaliyey af soomaaliga, 21-kii Octobber sanaddii 1972-dii, hubaal in loo qabay laxawjeclo aad u weyn iyo hamuun  badan, si fududna ku dhaqangalay barnaanmijkii “Ololaha Barashada af Soomaaliga”.

Maalintaa, waa maalintii afka la qoree iyo maalintii ay jirtay af la’aanta, micnaha xafiisyadu ay wada adeegsanayeen afaf qalaad, ayaa Abwaan Cali SugulleDun Carbeed” curiyey heestan hirgashay ee heegada sare gaartay, waa heesma? Ma filayo inay maankiina hees kale ku soo dhacayso, waa heestii “Af qalaad aqoontu miyaa?” xareedintii iyo luuqdii Xaliimo Qaliif “Magool” iyo Xasan Diiriye Faarax, Allaha u wada naxariisto. Aamiin.

Maalintaa maanta waxaa laga joogaa afartan gu’, waxaa biya kama dhibcaan ah, in xiisihii shalay loo qabay aan maanta loo qabin, maya, waxaaba marag ma doonta ah, in dad badan kugu qashimaysanayaan marka aad af soomaali ku hadasho, haddaanba lagu oran: “Yaa, maxaad tiri?” dabcan, mar walbana lagugu dhahayo afkaa markaa la adeegsanayo, kuu doono ha ahaadee.

Dadka qaar, marka aad erayo uusan garanayn adeegsato, wuxuu isla markii la soo boodayaa, war ma af soomaali baad ku hadlaysaa, mise af Jinni? Xukunka koowaad waa kaa, balse, kuma weydiinayo, eragaa maxaa looga jeedaa? Maxaa laga wadaa, iyo macnihiisu waa maxay? Midna.

Haddaba, aan u daadego dulucda qormada, marka adoo wax tabanaya wax kale laguugu daro ayaa la yiraa: “Luq/Lur horaa laqanyo kicisa” ama “Anoo oyn rabaa Sacu Seynta igu dhuftay” si kale, waxaa loo yiraa: “Anoo hore u socda ayaan taraanturrooday

Ujeedku waa, Anoo la yaabanaa Carabiga Madaxweyne Shariif shaaric walba la taagan yahay, ayaa waxaa noogu darsoomay Ra’isul wasaare Gaas, Madaxweynaha kuma dhibsan, kumana qabsan, illeen isagu umadda uguma qudbeeyee, dabcan,  markuu Wadaadaynayo kuma darin, ee uu jilayo Khadiibe, iyo marka uu ducada guud dirayo, balse, inta kale dadweyaha wuxuu wax ugu tabiyaa Soomaali, haba u badnaado Carabiye, illeen waa tii la yiri: “Weel walba wixii ku jiraa ka fiixa!”.

Qosolku wuxuu ahaa markii Amiin Camir, waa farshaxanaystaha weyne, uu ka sameeyey sawir gacmeed. Waxaa ku sawrinaa laba askari midi Gambar ku fadhiyo, midka kalana taagan yahay, dabcan qorina garraarsan yihiin. Waxay daawanaayeen shaashad/dhalo [Muuqtuse] hortooda taallay, oo madaxweyne Shariif ka dhex muuqday, isagoo ka qeybgalay shirkii London, waxaana  gadaashooda taagneyd qof dumar ah. Midkood ayaa dhahaya: “Aamiin, Aamiin” midkii kale ayaa wuxuu ugu jawaabayaa: “Ilaah ha ka aqbalo ducada, Aamiin” qofka dumarka ahayd ayaa ku tiri: “War doco ma ahan ee waa khudbaddii ayuu afka Carabuga ku aqrinayaa!”.

Dhibka jira ayaa se ah, in marka aad dhagaysato muxaadaro wadaad, aadan kala garanyn wadaadkani ma Soomaali ayuu wax u sheegayaa? Mise Carab la Soomaaliyeeyey? Eraga ah Carab la Soomaaliyeeyeyula kac iyo ujeed ayaan u adeegsaday, inaan muujiyo qabweyniada Qawmiyadda Soomaaliyeed, oo aan sheedda dhigo sheeko khiyaaleedka meelaha lala shuushuu leeyahay, ee ah Soomaali ayaa Carab ah, ama Carabowday!

Wadaadadu marka ay dadka Wacdinayaan waxaan afkooda ka faaruqin erayada Carabiga ah, Carabi ahaan inaan halkan ku qoro wax qiimo ah ma lahan, balse, erayo ayaan Soomaaligooda qorayaa ee bal ila dhuuxa: “Eebbe sarreeyeeUdgoone MaxamedWadaaygii ….. –magaca Saxaabiga-IWM” wadaadaduse mar walba waxaad maqlaysaa iyagoo Carabigu afkooda ka fanfaniinayo.

Anoo meeragaha dhex dabaalanaya, wardoon iyo waariddoon ah, ayaan duljoogsaday qormo uu qoray Ra’isul wasaare Abdiwali Maxamed AliGaas”, aqriste, adba malee afkee ku qorneyd? Inta aanan dareenkayga ku maanin waxa ii soo bixi doona, waxaan ku dadaalay inaan si fiican isaga hubiyo magaca, dhawr kol ayaan ku celiceliyey aqriskiisa, haddana, aamini waayey, dabadeedna isha ku kuuray, anood mooddo inaan dalbanayo aragti iga baxsan inay magaca ii ifiso.

Qormada magaceeda waxaa la yiraa: “We’re Winning This Fight” oo macnaheedu noqonayo: “Waan ku guulaysan dagaalkan” qormada oo laga soo xigtay mareegta //www.foreignpolicy.com haddaan isha la si raacay, oon sadarrada hore boobsiiyey, Anoo maankayga su’aaluhu is dhex jiirayaan, maxaad ugu tagi doontaa? Maxaa ku qoran? Muxuu sheegi doonaa? IWM. Xoogaa markaan aqriyey, Allaylhehe uguma tagin wax ka baxsan sheekadii lagu yaqaanay siyaasi, liilkan hoose ka sii dhugo qormada:

//www.foreignpolicy.com/articles/2012/04/05/were_winning_this_fight .

Markii hore waxaan is lahaa, wax uu af soomaaliga ku sheegi waayey, ayuu doonayaa inuu afka qalaad noogu xarriiqi doonaa, mase noqon! Oo haddaa “Af qalaad aqoontu miyaa?” waaba iga yaab iyo su’aale, miyuu kari waayey inuu Soomaali ku qoro? Waxaa lagu doodi karaa, wuxuu ugu talagalay mareegtaa oo ka faalloota siyaasadda arimaha dibadda, balse, Aqriste, adigu waligaa ma aragtay mudane Gaas oo maqaal af soomaali ah qoray? Mise, waa haddii aadan Af qalaad wax ku qorin, dadba ma tihid?.

Run ahaan awal ayaan qaati ka taagnayn, mar walba oo uu afka kala qaado, erayada qalaad ee afkiisa ka soo afuufmayey, oo haddaa, dadka dhami miyey kula garanayaan erayadaa? Mise waxaad moodday inaad u khudbadaynayso arday jaamacadeed? Waliba waa qasab inaad tixgaliso Kuliyadda iyo qeybta ay dhigtaan, haddaad arday afafka dhigata aad uga sheekayso Seynis adaa ka gardaran, waa dhanka kalee, arday Saynis dhigata haddaad Injineerin uga sheekaysana la mid.

Ani waaba igu su’aale, sida cinwaanka qormadaba ku qorane, horta ma Madax qalaad mase madax qaran?! micnaha ma waxay madax u yihiin afafka qalaad ee ay ku hadlayaan dadkii la garanaya? Mise waxay madax u yihiin qarankan Soomaali? Dabcan lama oran kara, inta Soomaaliga ku hadashee, balse, inta ku magacaaban Jamhuuriyadda Soomaaliya, ninkii dood ka qabaa, dib ha u eego shirkii London ee dhacay dhammaadkii january, ee sanadkan.

Labadii shir ee Garoowe lagu qabtay, ayaa afka la adeegsanayay ahaa Ingiriis, ma ahan qoraalka iyo eray bixinta kaliya, balse, sida loo macneeyey waxay ahayd, inaan is faham xumo dhicin! Aniga iima dhadhamin, aqriste adiga sidee u aragtay? Yaa shiraya Soomaali? Maxay ka shirayeen? Aayahooda, haddana, sidaa oo ay tahay, goobta waxaaba joogay dad aan Ingiriis iska daaye, Soomaali qori aqoon, saxiixayaashana ka mid ahaa, oo kuwaa sidee laga yeelayaa?.

midda kale, oo aan qadyaan ka taagnayn ayaa ah, in heshiis walba oo dawladdu la gasho dawlado kale, ha’aydo iyo xitaa wareegtooyinka dawladi ah ama kuwa gudaha quseeyaba, ay ku wada qoran yihiin af qalaad!

Hubaal inta dad madax loogu noqdaa in  afku ugu horreeyo, micnaha haddii aadan af ku haqab tiri karin, eray ku baahi bi’in karin, Wallee madaxnimadaa waa mid ba’day, iyadoo la kala afaf duwan yahay ayaa haddana la is hogaamiyaa, oo markaa waxaa jirta mid wadaag ah oo dadka dhan ka dhaxaysa, ayna wada yaqaannin, waan filaa inay tusaale ku filan tahay Kenyada dariska nala ah, marka laga soo tagoKiswahiliga, afka koowaadi waa Ingriis, oo ah afka la isku wado garto.

Annaga dhibkaa namaba haystee, maxaa afkeenna loo bahdilayaa? ayna horseed ka yihiin kuwa hoggaanka u haya umadda, miyeysan ku habboonayn inay la yimaadaan xilkasnimo? Illeen iyagaa ah indhihii umadda, hubaal ina aqoonyahanno joogan, ayaan darrada ayaa se ah, in iyagaba aan laga horrayn, oo ay yihiin hogaamiyayaal iyo higaadiyayaal [Barayaal].

Ugu dambayn, waxaa waajib ah in afka hooyo la siiyo mudnaanta koowaad, maamuuskiisa saro loo qaado, maalgalin lagu sameeyo maanleyda meerisyada marin taqaan, si madag suugaaneedku u bixiso holac wax ifiya aanse wax gubin, una maamulaan manka iyo milgaha lagu haaneediyey quruxda afkeena, maadaama aysan jirin cid uga ogaal badan.

Mid madaxda ayaan dhihi lahaa, inay naga yareen erayada qalaad, qof baahi u qabo, xiiso iyo hamuun maba ku darine, qofkaana isagaa raadsane, kuwa u dhashay oo ku dhashay ayaa jooga, oo laga dhagaysan karaa, ama laga dhihid dalbi karaa, inta aan se dan iyo heello ka lahayn, ama aanba garanayn, saw kuma habboona in la tixgaliyoo, laga daayo erayadan ay eedsanayaan.

midda xigta, waxaan leeyahay inta af soomaaliga ku hadasha, meesha uu rabo ha joogee, maamulka uu doonana ha ku hoos noolaadee, afku waa dhaxal naga dhexeeya, una baahan faaya dhawr iyo dhaaya ku hayn.

Midda ugu dambaysa, oo ah mid la wada wadaago, maamulemaanle iyo muwaadinba, waxay tahay maadaama wali afku dheeldheellin ku jiro,  in loo wada hawlgalo sidii looga saari lahaa, micnaha maadaama afku qabyo qoraal ku sugan yahay, oo aan wali qoraalka afku saldhigan, in loo wada tafa xayto sidii loo sugi lahaa, canaabta hawsha inteeda badan waxaa looga fadhiyaa waa maanlaha, maamul wanaagsanna u baahan, oo la daba taagan taakylayn, muwaadinku tageero buuxda u hayo. Qomada murtidan ayaan ku so oaf xirayaa: “Dadku afka ayuu isku gartaa, Duunyaduna urka”.

Bashir M. Hersi

COMMENTS