August 17, 2017 | Posted by admin

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ee dhowaan xilka ka qaadeen Baarlamaanka maamulkaas ayaa war ka soo saaray xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka, isagoo la saftay Isbaheysiga Sacuudiga.

War qoraal ah oo ku qornaa luqada English-ka ayaa lagu sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka uu saameyn aad u xun oo dhinaca amniga iyo ganacsiga ku yeelan karo Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan dhex dhexaad laga noqon karin walaaca ay qabaan dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, ayna garab istaagto saaxibada dhabta ah ee Soomaaliya oo ah Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay cambaarneyso dowladaha iyo hey’adaha aan dowliga aheyn ee taageera argagixisada Soomaaliya iyo kuwa kale.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa wali ku adkeysanaya inuu yahay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, inkastoo war saxaafadeedka uu soo saaray uu u muuqdo mid waqtigiisa ka dib dhacay, maadaama xilliga uu soo saaray ay tahay xilli xaalka ku xun yahay, isla markaana Baarlamaanka Hirshabeelle xilka ka qaadeen.

Maalintii shalay ayay aheyd markii war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland lagu taageeray xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo, iyadoo dowladda Federaalka loogu baaqay inay dib u eegis ku sameyso go’aankii ay ka qaadatay xiisada Khaliijka.

17

COMMENTS