December 5, 2012 | Posted by admin

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku soo dhacay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ay isa soo tarayaan qasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Hugunka madaafiicda oo ahaa kuwo laga maqlayay inta badan magaalada oo dhan, ayaa bilowday abaarihii 12-ka saq dhexe, xilli dadka hurdayeen, waxaana mar qudha bilowday madaafiic si teel teel ugu soo dhaceysay xaafado ku xeeran Madaxtooyada.

Inkastoo bartilmaameedka duqeymahan oo ahaa Xarunta Madaxtooyada ayaa madaafiicda qaar ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley.

Inta la hubo shan ruux oo isku qoys ahaa ayaa ku dhaawacmay madfac ku dhacay xaafad ka tirsan Boondheere, iyadoo maamulka degmada uu sheegay inay u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in madaafiic ku dhacay Wardhiigley ay jiraan qasaare ka dhashay, hase ahaatee lama haayo tiro rasmi ah oo ku waxyeeloobay.

Shabakad Internet oo ay ku hadlaan Shabaab ayaa lagu qoray in 7-Madaafiic hoobiyeyaal ah lagu garaacay madaxtooyada, kuwaasoo ku kala dhacay albaabka hore iyo gudaha xarunta Madaxtooyada sida lagu daabacay bogga wararka shabaabka faafiya ee Somalimemo.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda oo maalmihii u dambeeyay ku dhawaaqayay inay qaadayaan tallaabooyin lagu sugayo ammaanka.

Madaafiicdii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa dadka soo xusuusiyay xilligii dagaalada ka dhacayeen Muqdisho gudaheeda, inkastoo horaantii sanadkan ay madaafiic ku soo dhaceen Madaxtooyada iyo hareeraheeda.

Duqeymihii xalay ayaa imaanaya, iyadoo shalay uu ka dhoofay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.

COMMENTS