Maansadan Dardaaran waa Maanso waano iyo waayosheeg ah, waa maanso farriin ah oo la hadlaysa guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, Madax iyo shacab, Mudane iyo Marwo, Waa maanso aan is idhi waxay waxtar iyo talo u noqon doontaa dhallinyarada, waxay xusuus iyo caqlicelin u noqondoontaa waayeelka, waxay tusaale iyo tusmo u noqon doontaa dadka qaybahooda kala duwan. Haddaba anigoo hordhaca Maansada kugu daalin waa tane Boggasho wacan
Dardaaran
Dambarsame hooray
Cirkoo da’ay maalmo
Nin dayr cad u joogo
U daaqana Geelu
Dambarka iyo Dhaayda
Maggow dihinkeeda
Lis iyo dararteeda
Dirkeed nin yaqaanna
Doobbuu ku lisaaye.
Suugaan dirirkeeda
Dawiyo nabad doora
Duciyo sama doona
Dardaaran adduunyo
Dantaada haddeera
Daartaada dambeeto
Digniin ku faraysa.
Haddaan dulucdeyda
U soo dego haatan
Dadbaa jira heedheh
Ku duufin habaabin
Ku doorin adoo dhan
Ku duugi hadhkiiye
Midbaa ku dilaaya
Dantiisana mooda
Midbaa ku duraaya
Dood fiican u haysta
Ka dayr dhegahaaga
Daymoona hortaada
Gadaal ha ku daalin.
Daryeel danahaaga
U duubo naftaada
Danee noloshaada
Xumaanna ka daahir
Difaacna wanaagga
Dalee socodkaaga
La duulna filkaaga
Ku dooro dadkaaga
Dareenka aqoonta
Damiirka wanaagsan
Dabeecadda fiican
Wixii danni keena
Naftaada damqaaya
Ka dool waligaaba.
Dan waa dabar heedheh
Ha diidin nasiibka
Ha doorin hankaaga
Haa doojin dabaylo
Hawiyo damac beena .
Haddaad dacwad faafin
Diin aad dad barayso
Daliil cad u keenso
Qofkii kugu diida
Dudmada ka ilaali
Danseeg ha ku sheegin
Dambiile dullaysan
Docdaad ka filaysay
Hadduu ka didaayo
Doc kale kaga kaalay.
Deegaanka agtaada
Derisyo Ehelkaaga
Darxumo ha ku eegin
Daab weyn ha u qaadan
Dagaal ka ilaali
Ha dilin gacalkaaga.
Diif iyo dibindaabyo
Agoonta dalkaaga
Dugsi cilmi haysan
Dawiyo Dhakhtar haysan
Dudiyo aqal haysan
Dayaca u dhammaatay
Wuxuun ugu deeqa.
Haweenka daneeya
U dooda xaqooda
Ka dayra dhibaato
Diciifna ha moodin
Door weeye habboone
Dirkeena dad oo dhan
Dunjiga Ilma Aadan
Dunida cammiraaya
Kuwii dihday weeye
Dushoodana saaray
Digtoor wax is mooda
Halyeeyga la doorto
Geesiga diriraaya
Deeqsiga lagu faano
Ugaaska la duubo
Wadaad digriyaaya
Hooyaa dad ka yeeshay
Tafteeda ku duubtay
Ducana ugu laabtay
Marwaa ka danbaysa
Daboosha xuntiisa
Daryeesha dhibkiisa
Daaraysa Ifkiisa
War hooy dumarkeena
Diihaal ka ilaalsha
Ayaan la dagaalin.
Dalkiyo dhinaciisa
Haddaad mar ka duushay
Deegaan kale joogto
Haddaad ku danbayso
Dal waa ku dadkiise
Dowlaa wax taraysa
Dadkuna ka sugtaaye
Haddii dahnigaagu
Dubaaqu ku siiyey
Dambaad ku jirtaaye
La duubo dadkaaga
Ku deeq cilmigaaga
Ku deeq hantidaada
Ku deeq caqligaaga
Ku deeq kartidaada
Ku deeq fahankaaga
Ku deeq cududdaada.
Dadoow caqli maaha
Dowlaa wax dhisaysa
Ku daawo dhankaaga
Haddaadan dantaada
Intaad yar daboosho
Tan guud ku daraynin
Dhulkeenna dakaamay
Dushiisa xalaynin
Dorraato ka dhawrin
Waxaan la dayoownay
Duul meel kale jooga
Wallee dayaceena
Ma doorin karaane
Dadoow is xasuusta
Dalkiina daryeela.
Dadyahow hadafkiina
Dir sooca ka saara
Waxaad dura eedday
Duumaale ku xaaqay
Dubbihii dumintaada
Dadkaaga dhammeeyey
Dalkaaga ka reebay
Dadyoowga adduunka
Dirkii hebel weeye
Anaa ina duur ah
Dir Aarka Libaaxa
Intaad iska dayside
Daliilka Kitaabka
Culuumtiyo Diinta
Intii Daayim sheegay
U daaya qabiilka
Waxaad ku darteena
Dadoow iska daaya.
Danaystaha diida
Daneeyaha doona
Dulmiilaha doorsha
Kan daacada doorta
Danguud u adeega
Dareen ubadkaaga
Damaaci xumaale
Inuu dab u dhiibo
Ayuu dan bidaaye
Ninkii dersi maalin
Dadkeena barayaa
La duubta dhankiisa
Ninkii dahabkeena
Macaadinta duugan
Dad kale ka gadaaya
Ninkii degelkeena
Dantiisa ka doorta
Digtooni ka yeesha
Dadoow warxumaale
Ma doorshe la doorshay
Dambuun daldalaaya
Dadkiisa xumeeya
Dambaabidhe keena
Belaaya daneeye
Dirkiisa ha eegin
Durriyad ma wadaagno
Ninkii na dilaaya
Danaystiyo tuugga
Dadkuu xige maanta
Naftaada dilayaa
Dalkaaga gubaaya
Durbaan ha u qaadin
Dartii ha u doodin
Ceebtiisa ha duugin
Ha dedin xumihiisa
Dardaaran xaq weeye
Dadoow iyo waano
Naftiina la doono.
Bal daawo dalkaaga
Waxaa bad ku dayrin
Webiyo durduraaya
Bal daawo dalkaaga
Waxaa deleg buuxa
Ee Daa’in ku beeray
Bal daawo dalkaaga
Waxaa dhir dalaysan
Dushiisa ka taagan
Bal daawo dalkaaga
Mawaashiga duunyo
Lo’deena dawaysan
Adhiga dacal buuxa
Waxaa dayrcad jooga
Doobiga lagu maalo
Dar aan qalanayno
Bal daawo dalkeena
Duurjoogta Ugaadha
Wax Cawl iyo Deero
Dameer Farow buuxa
Biciid dananaaya
Bal daawo dalkeena
Qaboow ku dilaaya
Kulayl ku damqaaya
Diraac iyo Deyrta
Duggaa arki maysid
Bal daawo dalkeena
Waxaa nimco daadsan
Galleydiyo Diirta
Sarreenka dalkeena
Intaan iska diiddo
Intaad Dubeey aadi
Dalkaaga ku beero
Intaad dibad raadin
Ku daarinna Buufis
Ku daah degelkaaga
Intaad wax dilayso
Dullaab ka ahaada
Intaad duminayso
Dhiskiisa u duubo
Dedaalka nafteena
Dalkeena dhisaaye
Duqayda haddeeriyo
Dhallinta daba joogta
Da’ yarta dhalanaysa
Dhegtii u daloosha
Dardaaran galaaye
Dantiinna ogaada
Dalkiina ogaada
Dadkiina ogaada.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr

All Posts
BBC 0400 GMT










waa dar daaran.qiimo badan kana turjumaya xaqiida jirta soomaliya iyo damaca waalida ah-ee ka fog xaqiiqda iyo cadaalada