February 5, 2013 | Posted by admin

Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Maamul KMG ah oo uu yeesho Gobolka Bay iyo degmada Baydhabo loo magacaabay, iyadoo maamulkan uu shaqeynayo muddo lix bilood.

Maamul u sameyntan ayaa qeyb ka ah qorshe ay soo diyaarisay Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, kaasoo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, isla markaana ujeedka yahay in maamulo loogu sameeyo Gobolada iyo deegaanada gacanta dowladda soo galay.

Wareegtadan oo ku taariikheysan 4/2/2013 ayaa waxaa Maamulka KMG ee Gobolka Bay iyo degmada Baydhabo lagu sheegay in muddo lix bilood loo magacaabay, kadib markii xilka laga qaaday Maamulkii hore ee gobolka iyo kan degmada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maamulka KMG ee Gobolka Bay waxaa loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow, Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada ayaa loo magacaabay Mustaf Ibraahim Cali (Sanbuur), Gudoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada ayaa loo magacaabay Ibraahim Xuseen Xasan.

Sidoo kale maamulka degmada Baydhabo ayaa gudoomiyaha degmada loo magacaabay Xasan Macalin Axmed (Biikolo), Gudoomiye kuxigeenka siyaasada iyo Amniga degmada Baydhabo ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Cali Aadan (Barako), gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maamuliyada degmada Baydhabo ayaa loo magacaabay Maxamed Macalin Ibraahim (Daldheere) Gudoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Sandheere Maxamed Iftin iyo Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Baydhaboa oo loo magacaabay Axmed Maadey Isaaq.

Wareegtadan ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ku saxiixan ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaari iyo Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo wareegtadan ay dhaqan galeyso marka uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar dalka uga maqan.

COMMENTS