March 31, 2015 | Posted by admin

Cadaado:-Wasiirka arimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxmed Xaji ayaa maanta shaaca ka qaaday goorta uu shirka maamul u sameynta gobolada dhexe uu ka furmayo magaalada Cadaado.
Wasiirka ayaa sheegay in kowda bisha 4aad uu ka bilaaban doono shirka maamul u sameynta gobolada dhexe magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb .

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxmed Xaji ayaa sido kale sheegay in DFS iyo beesha Caalamka ay horey u shaaciyeen in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qaban doono magaalada Cadaado arinkaasna wax badalay aysan jirin.

Dhinaca kale waxgarad iyo Odayaal ku shirsan degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa carabka ku dhuftay in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qaban doono degmada Dhuusa-mareeb iyaga oo diiday in ay tagaan magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFS ayaa wada dadaal lagu dhameynayo khilaafka ka dhex aloosan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

COMMENTS