November 10, 2012 | Posted by admin
Axmed Cali Xasan oo ah Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeelaha Dhexe oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa baaq ujeediyay beelo wadaga Gobalkaasi oo halkaasi ku dagaalamay.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Degmada Warsheekh deegaano hoostaga ay ku dagaalameen labo beelo oo walaalo ah.

Axmed Cali Xasan Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ayaa sheegay inuu ugu baaqayo beelahaasi walaalaha inay joojiyaan dagaalka islamarkaana wax waliba ay ku dhameeyaan wada hadal ku qotoma dhanka nabadgalyada.

Wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ka dambeeyay dhul daaqsimeed ay ku dagaalameen beelo walaalo ah oo wada halkaasi.

Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Axmed Cali Xasan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dagalkaasi uu ka dhashay kaliya dhaawaca hal ruux oo kamid ah beelaha halkaasi kuwada dagaalamay.

Inta badan beelaha wada daga Gobalada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku dagaalameen dhuldaaqsimeed iyo dilal ku qotoma aanooyin qabiil.

COMMENTS