July 7, 2014 | Posted by admin


Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horreeysay shaaciyey inay u diyaar garooben la wareegadi hawada sare oo ay si gaar ah u maamullan doonan.
Warkan ayaa lugu shaaciyey war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Soomaaliland,waxaana wasaaraddu sheegtay inay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd hawadeedda, isla markaana ay tijaabisay qalabkii loo isticmaali kaantaroolka hawadda sare ee Soomaaliland.
Warkan waxaa kalo lugu sheegay in wasaaradda duulista Soomaaliland ay ka go’antahay inay maamulato hawadeedda.
Warkan Soomaaliland ka soo baxay waxaa uu ku soo aadayaA xilli uu bur-buray heshiis horey u dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Federaalka Soomaaliya oo sheegayey inay labada dhinac si wadajir ah u maamuli doonaan hawada Soomaaliya,kaddib markii Qaramada Midoobay ay soo wareejiso hawshaasi oo ay gacanta kusoo heysay tan iyo burburkii Qaranka Soomaaliya.

COMMENTS