April 8, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Madaxweynaha maamulka Soomaalilad ayaa magcaabay guddiga wada hadallada dowladda Soomaaliya, iyadoo ay guddigaasi ay kulan magaalada London kula yeellan doonaan ergo ka socota dowladda Soomaaliya.

War-saxaafaddeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Soomaaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” ayaa lagu sheegay in la magcaabay guddiga wada hadallada maamulkaasi iyo  dowladda Soomaaliya, guddigaasi ayaa waxaa loo magcaabay wasiirro ka tirsan Soomaaliland.

Guddiga ayaa ah guddi farsamo, si ay wada hadallo toos ula gallaan dowladda Soomaaliya, xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo ku aadan , sidii wada hadallada ay yeellan doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ay u noqdaan kuwa mira dhal ah, Guddigaani ayaa kala ah sidan,

1.     Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Caabdullaahi  Cumar

2.     Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)

3.     Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade

4.     Wasiirka Cadaallada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo

5.     Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.

Sidoo kale War-saxaafaddeedka xafiiska madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu xusay in labada dhinaca ay ka qeyb gali doonaan kulan gogolxaar ah oo ka dhici doona magaalada London ee dalka Britain, si loo dhammeystiro wada hadalladaasi.

Wada hadallada Laba dhinaca ayaa ka qeyb ka ah qodobadii ka soo baxay shirkii London ee dalka Britain.

COMMENTS