December 29, 2012 | Posted by admin

Berbera – Maamulka Somaliland ayaa shalay galab ishortaagay labo siyaasi oo midkood uu ka soo jeedo bariga Sanaag inay u dhoofaan magaalada Muqdisho xilli ay diyaaradii ay raaci lahaayeen ay taagneyd garoonka diyaaradaha magaalada Berbera.

Labada nin ee laga celiyey garoonka Berbera ayaa waxay kala yihiin Maxamuud Siciid oo maamulkii Daahir Rayaale Kaahin ka ahaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha kana soo jeeda deegaanka Bariga Sanaag, iyo gudoomiyihii hore ee xisbiga Kulmiye

Labada nin ayaa la sheegay inay u dhoofi lahaayeen magaalada Muqdisho oo ay ugu socdeen arrimo shakhsi ah, hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in labada nin looga shakiyey inay doonayeen inay ka qeybqaataan hawlaha dawlada federaalka Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo midnimadii dalka.

Ciidamo boolis ah ayaa ka hor istaagay labada siyaasi inay raacaan diyaarada waxaana boolisku ay sheegeen in amar lagu soo siiyey inaysan ka dhoofin garoonka Berbera.

Maxamuud Siciid oo shir jaraa’id Hargeysa ayaa ku marmarsiyooday inuu u socday sidii uu guri uu ku lahaa magaalada Muqdisho uu u soo iibsan lahaa, horeyna uu arrintaasi ugu wargeliyey madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland.

“Safarka aan Muqdisho ku tagi lahaa waxa uu ahaa mid la sii og yahay oo xukuumada iyo madaxtooyada aan warqad u qoray kulana socodsiiyey in guri aan leeyahay aan soo iibsanayo.” ayuu yiri Maxamuud Siciid oo shir jaraa’id Hargeysa ku qabtay.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in isagoo safar ah loo diido inuu safro haatana uu maxbuus ku yahay magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiinta Hargeysa iyo Muqdisho maxaa kala heysta?

Tan iyo markii dawlada cusub ee federaalka laga hirgaliyey Muqdisho waxaa sii badanayey siyaasiyiinta iyo ganacsatada deegaanada maamulka la baxay Somaliland kuwaasoo xilal iyo shaqooyin siyaasadeed u raadsanaya dawlada cusub.

Tuhunka ugu weyn waxaa uu yimid kadib kadib markii uu meelmaray dhameynta nidaamkii kumeelgaarka ahaa isla markaana golaha cusub ee wasiirada ay ka mid noqotay Fowsiyo Haji Adan oo horey xilka madaxtinimada Somaliland isugu sharaxday.

Hadalheynta dadka reer Hargeysa ayaa ah in haddii siyaasigu wax xil ah ka waayo Hargeysa uu aado dhanka Muqdisho si uu wax uga helo, arrintaasoo ah mida walaaca ku heysa xukuumadda Siilaanyo ee ku doodeysa inay tahay dawlad ka madax bannaan Soomaaliya.

COMMENTS