November 20, 2014 | Posted by admin

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay sababaha ay uga mid noqon waayeen Xubnaha ka qeybgalaya Shirka ka soconaya magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark.

Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland Warsaxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu sheegay iney soo dhaweynayaan Taageeradida beesha caalamku la garab taagantahaySoomaaliya.

Balse loo baahanyahay baa lagu yiri Warsaxaafadeedka in ka qeybgalka shirarkaas oo kale loogu casumo Somaliland maqaamka dowladnimo sida Dowladda Federaalkaee Soomaaliya.

Dowladda dalka Denmark ayuu maamulka Somaliland ku ammaantay martigelinta shirka Barnaamijka hiigsiga cusub ee 2016, kaasi ah mid dib loogu eegayo horumarka la gaaray qorshaha loo dhigay Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay qoraalka in Somaliland ay taageereyso dadaal kasta oo lagu horumarinayo Nabadgelyada,dhisamaha dowladnimada iyo horumarka dhaqaalaha ee mandaqada Geeska afrika.

Maamulka Somaliland ayaa ku dhiirigeliyey dowladaha deeqaha siiya in taageeradooda dhaqaale u adeegsadaan hannaanka lagu horumarinayo nidaamka Maaliyadeed si loo gaaro horumar.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in maamulkoodu xoojinayo wadahadalka ay la leeyihiin Soomaaliya taasoo ay tahay Ujeedada ugu weyn in xal laga gaaro xidhiidhkooda mustaqbalka.

COMMENTS
  1. Thresa Tkach said:

    A person necessarily lend a hand to make seriously content I’d state. That is definitely the quite first time I frequented your online web page and thus far? I amazed along with the research you made to make this actual submit extraordinary. Excellent activity!