July 10, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda KMG  ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay kaabiga ku hayaan Magaalada Marka islamarkaana ay ka saarayaan Xarakada Al Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee Dowladda KMG Soomaaliya C/qaadir Max’ed  Nuur Siddii oo waraysi siiyay Idaacaaha Xamar  waxa uu sheegay in dhawaan Maamulkiisa ay gaari doonaan deegaannada iyo degmooyinka ay ka maqan tahay gacanta Dowladda ee gobolkaasi oo ay iminka ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab.

C/qaadir Siiddii ayaa waxa uu sheegay in howlgallada ay ku baacsanayaan aysan aheyn mid istaagaya, isagoo tibaaxay in howlgalladaasi ay sii dar dar gallin doonaan illaa Al Shabaab laga saaro gobolka Sh/hoose, waxaana uu carabka ku dhuftay in Ciidamada Dowladda iminka ay ku sugan yihiin Deegaanka Ow-dheegle, kaabigana ay ku hayaan Magaalada Marka sida uu hadalka u dhigay.

“Howlgallada waa socdaan, kuwa istaagayana maahan, waxa aan hubka u wadona waa inaan la dagaalanno haraadiga Al Shabaab, waxaan wadanaa Iskoobihii aan ku xaaqi laheyn” sidaasi waxa yiri guddoomiyaha gobolka Sh/hoose.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu shaaca ka qaaday  in dadkii ku sugnaa Deegaannada Baraawe, Kuntuwaareey, Buulo-bareer, Sablaale iyo deegaanno kale ay soo gaareen Magaalada Afgooye, maadaama uu sheegay inay u dul qaadan weeyeen dhibaatooyinka Al Shabaab.

Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa wali ku loolamaya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab, iyadoo inta badan dagaalada halkaasi ku dhexmara uu qasaaro kasoo gaaro dadka rayidka ah ee  ku sugan halkaasi.

COMMENTS