July 26, 2016 | Posted by daacad yare

Maamulka gobalka sh/dhaxe ayaa ugu baaqay dadka xoola dhaqatada ah in xoolaha ay talaalaan kana talaalaan cudurka sambabka.

Ku simaha gudoomiyaha gobalkaasi cali maqanay ayaa sheegay in xiligaan ay soo dhawdahay xiligii xoolaha loo dhoofin lahaa sacuudiga loona baahan yahay in cudurada kala duwan laga talaalo xoolaha.

Gudoomiye maqanay ayaa sheegay in ay arimha talaalka gobalka ay ka fulinayso Hay’ad lagu magacaabo falerba.

Ariga ayaa la talaalaa inta badan xiliyada la dhoofinayo waxaana loo talaalaa in ay ka bad badaan cudurada kala gedisan iyo saameenta ay ku yeelan karaan cudurada iyo hawada goobaha la geenayo.

COMMENTS