March 15, 2017 | Posted by admin

Maamulka Puntland ayaa wada qorshe ay ku soo badbaadinayaan Markab ganacsi oo laga afduubtay Qayb ka mid ah Badwaynta Hindiya.

Markaabkaan oo la sheegay in uu ahaa mid ganacsi islamarkaana weday shidaal ayaa la soo werinayaa in Maamulka Puntland ay udirayaan Ciidamo Mariinis ah oo Markabkaasi gacanta ku soo dhiga.

Kooxa Burcad ah ayaa ka afduubtay Badwaynata Hindiya Markaabkaan oo ku sii jeeday Dekeda Wayna ee Muqdisho.

Ciidamada Bada ee Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa la sheegayaa ina ay wadaan Xiiladaysi ku aadan sidii ay ku soo furan lahaayeen Markaabkaasi lagu qaysto qaybo ka mid ah Xeebaha Maamulka Puntland.

Mudooyinkaan waxaa aad uyaraa afduubka ay geestaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida waxa ayna xiligaan Bilaabeen Ugaarsiga Maraakiibta Ganacsiga.

COMMENTS