DUHUR-Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Puntland C/shakuur Mire Aadan (Cobol) ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay caasimada dalka sii ahaan karto karto oo kaliya marka Soomaalidu ay sidaas ku heshiiso.
Isagoo la hadlayey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayuu intaa ku daray in caasimad ahaanshaha magaalada Muqdisho ay tahay mid u baahan in laga wada hadlo sida ay hadda midnimada Somalia uga wada hadlayaan woqooyi iyo koonfur Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka ayaa ka jawaabayey hadal uu todobaadkan jeediyey gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa in dastuurka cusub ee la diyaariyey aan lagu xusin in caasimada Somalia ay tahay Muqdisho taasna ay tahay wax aan la aqbali karin, banaanbaxyana ay ka abaabulayaan.
Wasirka ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Puntland ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid qalad ah wuxuuna ugu baaqay Tarsan inuu taageero caasimada Muqdisho in laga wada hadlo halka ay noqoneyso sida buu yiri uu u taageeray wadahadalkii dhexmaray Somalia iyo Somaliland, wuxuuna xusay in labada qadiyadood ay isku mid yihiin.
“Maxamed Siyaad Barre wuxuu Muqdisho ka tegay biyihii oo socda, korontadii Jasiira oo shaqeyneysa iyo magaaladii oo dhisan, ka dib dagaalo sokeeyaa dhacay waa la kala guuray magaaladii Muqdisho ee Soomaalida ka dhexeysayna waa la sheegtay, marka sidee caasimad dhexdhexaad ah ku noqoneysaa” ayuu intaa ku daray C/shakuur Mire Aadan Cobol.
Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Puntland C/shakuur Mire Aadan ayaa sheegay in dalal ka tirsan caalamka ay ka guureen caasimado ay lahaan jireen ayna caasimado kale sameysteen ka dib markii dadweynaha dalalkooda ay sidaas isla garteen.
“Dalalka caasimadahooda ka guuray waxaa ka mid ah India, Bakistan, Nigeria iyo kuwo kale, magaalada Muqdishona weligeed caasimad ma sii ahaan karto haddii aaney Soomaalidu ku heshiiin arintaas” ayuu yiri wasiirka ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Puntland.
Mar wax laga weydiiyey magaalada isagu uu u arko caasimada Somalia in laga dhigo maadaama uu shaki geliyey Muqdisho ayuu sheegay in isagu uusan magaalo gaar ah magacaabeyn balse arintaas qaabka loo wajahayo uu qorayo dastuurka cusub ee dalka oo tilmaamaya ayuu yiri in Soomaalidu ka tashato halka noqoneysa caasimada dalka.

All Posts
BBC 0400 GMT








