January 3, 2013 | Posted by admin

Maamulka Puntland ayaa digiin ka soo saaray fara gelinta siyaasadeed ee lagu haayo, xilli uu muran siyaasadeed uu ka taagan yahay muddo kororsiga Madaxweyne Faroole.

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caqabad ku ah amniga deegaanada Puntland, isagoo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan.

“Shaqsiyaadka fara gelinta ku haya Maamulka Puntland, kuwaas tallaabo ka qaadeynaa, cid kasta oo qal qal ku heysa amaanka deegaanada Puntland waa iska qaban doonaa”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

Mr Mudan ayaa soo hadal qaaday kooxo uu sheegay inay abaabulayaan bulshada deegaanada Puntland, si ay isaga horkeenaan, isla markaana ay ka dhex abuuraan fowdo iyo qala qalaaso sida uu yiri.

Dhinaca kale Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay kula dagaalamayaan Xoogaga Al-Shabaab ee fadhigooda yahay Buuraha Galgala.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ka biya diidan qorshaha Madaxweyne Faroole uu ku doonayo in muddo sanad ku kordhisto.

Madaxweynaha talada haya C/raxmaan Faroole ayaa dhowaan sheegay in dastuurka uu awood u siinayo inuu xilka sii haayo, si howlaha uu qabtay u dhameystiro.

7-da Janaayo ayaa ah mudada ay ugu egtahay Madaxweyne Faroole, waxaana laga cabsi qabaa in wixii ka dambeeya maalintaas ay dhacaan rabshado lagaga soo horjeedo maamulka waqtigiisa dhamaaday.

COMMENTS