April 22, 2014 | Posted by admin

Guddoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka SHabeelaha hoose Maxamed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmadaasi iyo maamulkooda ay ka cabanayaan gargaar la’aanta dowlada ee shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Mr Yariisow ayaa xaqiijiyay in deegaano iyo degmooyin ka dambeeyay qabashada Marko la gaarsiiyay gargaar kala duwan laakiin ay garan waayeen waxyaabaha keenay in dowlada Marko ay gargaar gaarsiiso, maadaama dadka ay u baahan yihiin sida uu sheegay.

“Shacabka waxay ka cabanayaan dowlada kama heyno wax gargaar ah tan iyo markii la qabtay, laakiin Qoryooley waa la geeyay deegaanada kale waa la geeyay, su’aashaasna madaxda dalka ayay u taalaa”ayuu yiri gudoomiyaha Marka.

Arinta ayaa kusoo begantay markii shalay degmada Marko ay raashiin ka qeybisay hayada ICRC oo la gaarsiiyay dad ku sugnaa degmada iyo duleedka degmadaasi.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Marka ayaa sheegay inuu dumay suuqii khudaarta degmada oo ay ku ganacsan jireen dad badan, isagoo sheegay in wax khasaara ah uusan geysan.

COMMENTS