June 24, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Maamulkooda ay soo dhaweynayaan Xayiraada laga qaaday Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo ka mid ahaa Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al-shabaab,balse saddexdii Sano ee ugu dambeeyay ku sugnaa Dhulka Howdka ah ee Gobolka Bakool,iyadoo ay ilaaliyaan Maleeshiyaad ku Hayb ah.

Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan wax kala socon qaabka Mareykanku uu Xayiraadda uga qaaday Sheekh Muqtaar Rooboow,balse ay soo dhaweynayaan Talaabadaan Mareykanku uu qaaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin Xayiraadda laga qaaday Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo ahaa Kuxigeenkii Axmed Cabdi Godane Hogaamiyihii la dilay Ee Al-shabaab.

COMMENTS