October 17, 2014 | Posted by admin

Xilli uu dhammaaday waqtiga Ciidanka Sierra Leone ka socdo ee ku sugan Magaalada Kismaayo, laguna waday in Somaliya loo diro bedelkooda, ayaa waxaa taasi ka horyimid Maamulka Kmg ah ee Jubba.
C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Jubba oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu ku baaqay inaan loo keenin ciidan bedel ah.

Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa wuxuu sababtu ku sheegay in mid ka mid ah askarta Sierra Leone ee Magaalada Kismaayo loo soo waday, laga helay cudurka dilaaga ah ee Ebola. Sidaasi daraadeedna aan la aqbali karin in guutadii uu ka tirsanaa loo soo duuliyo Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cudurka Ebola uu argagax geliyay dunida oo idil, isla-markaana ay ku baaqayaan inta xal looga helaayo Ebola aan la bedelin Ciidamada Sierra Leone, ee iminka ka hawlgalaaya Magaalada Kismaayo.

General Fartaag, ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Somaliya ay ku wargeliyeen walaaca ay ka qabaan Ciidamada Sierra Leone ee loo soo wado Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay dunida u sheegayaan natiijada ka dhalan karta Ciidanka Sierra Leone, haddii lagu adkeysto in la keeno Kismaayo.

Sierra Leone, ayaa waxay ka mid tahay dalalka dhaca Afrikada Galbeed, isla-markaana u nugul faafitaanka cudurka khatarta badan ee Ebola.

COMMENTS