September 30, 2016 | Posted by admin

Kadib kulan saacado qaatay oo xarunta madaxtooyada Jubaland ee magaalada Kismaayo ay ku yeesheen wafdi ka socday hay’adda qaxootiga aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo madax ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa ugu danbeyn la isku afgartay in qoysaska Soomaaliyeed ee ku xayiran Dhadhaab dib dalka loogu soo celiyo.

Maamulka Jubaland ayaa dhawaan shaaciyay in ay joojiyeen qoysaskii Soomaaliyeed ee soo beegsanayay deegaanada Jubaland, iyagoo sheegay in uusan jirin qorshe ka danbeeya soo celintooda, dadkuna ay ku dhibanyihiin magaalooyinkii la geeyay.

Qoysaska soo laabanaya ayaa intooda badan beegsanayay gobollada J/hoose, J/dhexe, Gedo iyo gobolka Bay, waxaana qoysaskani saameeyay amarka kasoo baxay Jubaland ee ahaa in ay joojiyeen qaxotigii laga soo daabulayay Kenya, waxayna arintaasi horseeday in qoysas badan oo u xir-xirtay in ay dalka kusoo laabtaan in ay ku xayirmaan xerooyinka Dhadhaab.

Miss. Caroline oo hogaamineeysay wafdiga ayaa dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsantahay in madaxda Jubaland ay isku afgarteen in la soo daabulo qoysas tiro badan oo haatan ku diyaarsan Dhadhaab, kuwaa oo doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan balse uu safarkoodii hakad ku yimid kadib diidmadii Jubaland ee soo celinta qaxootiga.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS