January 3, 2013 | Posted by admin

Muqdisho-Maamulka iyo Ciidaamada  Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay  in ay fashilyeen qarax miinooo ay maleeshiyadda  Ashabaab ku doonayeen in ay ku haligaan shacabka soomaaliyeed ee k u dhaqan xaafadda villa Ruusiya ee degmadda Marka ee Gobolka shabeeladda Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka ee maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdi  oo u waramayay warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in qaraxaasi uu ahaa Miinada Remuudka laga hago  oo la dhigay xaafada Villa Rusiya ayna durbadiiba  Fashiliyeen ciidamada iyagoo si nabad ah na u  qarxiyeen miinadaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Miinadaasi aysan geysan wax Qasaare ah wuxuuna ku amaanay shacabka ku dhaqan xaafadaasi sida wanaagsan oo ay ula shaqeeyeen ciidamada qalabka sida,wuxuuna ugu  baaqay dhalinyarada ay marin habaabiyeen Horjoogayaasha shabaab in ay isaga soo haraan mabda’a qaldan oo ay ka dhaadhiciyeen, isagoo ku booriyay in ay dib ula midoobaan qoysaskoodii ay ka irdhoobeen.

Ma ahan Markii ugu horeysay  ay Ciidamadu Qaadaan Talaabadan  ay  ku fashiliyeen  miinada ay sida dhagarta ah ugu   maleegayeen Maleeshiyadda Ashabaab  shacabka ku dhaqan Magaalada Marka, waxayna tani rajo gelineysaa sii amba qaadista  wada shaqeynta wanaagsan ee u dhaxeysa ciidamada iyo shacabka.

COMMENTS