April 28, 2017 | Posted by admin

Wasiiirka Dhalinyarada & Isboortlga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) ayaa sheegay in la dayactirayo garoonka kubbada cagta Xaseey Kumaari ee magaalada Jowhar.

Garoonka Xaseey Kumaari oo ah garoon loogu magac daray mid ka mid ah halgamayaashii isboortiga ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa uu ka mid ahaa Goobaha uu bur burku saameeyay.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dowlad goboleedka Hirshabeelle Mr C/qani  oo shalay ka qeybgalay daawashada mid kamid ah ciyaaraha heerka koowaad ee ka socda garoonka Xasey Kumaari ayaa la hadlay saxaafada waxana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dayactiri doono garoonka isla markaana loo sameyn doono fadhi ay dadka u soo daawasho taga ku fariistaan.

Cabdiqani Cabdullahi Hilowle Jeenyo wasiirka Dhalinyarada & Isboortiga Maamulka Hirshabelle ayaa sidoo kale sheegay in lagu dhigi doono roog garoonka kubadda cagta Shongale Staduim oo ah garoonka ugu weyn ee magaalada Jowhar.

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga C/qani Jeenyo ayaa dhowaan sidoo kale waxa uu booqday garoomada ciyaaraha degmada Beledweyne isagoo halkaa kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhalinyarada.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS