July 27, 2017 | Posted by admin

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawi. ayaa sheegay in dhowaan uu ka bilaaban doono magaalada Jowhar shir lagu heshiisiinaayo beelo dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmada Cadale.

Cali Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa warkan ka sheegay goob fagaare ah kadib markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

“Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday wadahadalo lagu heshiisiinayo labada beelood balse maalinta Axada ee soo socota ayaa gobol nabadeed waxa laga fidin doonaa magaalada Jowhar.”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa  si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeenmagaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa mas’uuliyiintiisoo dhoweysay ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Cabdi Ciise,guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi sheikh iyo dadweyne faro badan.

COMMENTS