November 23, 2012 | Posted by admin

Maamulka gobalka shabeelada Dhexe ayaa sheegay in dhawaan si buuxda ay ciidamadu gacanta ugu dhigi doonaan deegaanada uu gobalkaasi ka koobanyahay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolkaasi Cali Cismaan Ibraahim oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada XDS ay dhawaan xoreeyndoonaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe, wuxuuna intaa ku daray in aysan jirain awood ay shabaab ku leeyihiin halkaasi oo wa ay isaga baxeen inta badan deegaannada gobolka.

‘’maamulka gobolka waxaa u wax ka qabtay ammaanka deegaanada laga xoreeyay shabaab, waxaana rajeynayaa in ciidamada Booliisku ay ka howlgelidoonaan gobolka marka laga xoreeyo shabaab’’ ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka G/Sh/Dhexe Cali Cismaan Ibraahin.

Hadalka gudoomiye ku xigeenka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada XDS isu diyaarinayaan in dadka ku nool gobolkaasi ka dulqaadaan gumeysiga maleeshiyaadka Shabaab ee dhibaatada ku haya dadka ku nool gobolkaasi.

COMMENTS