July 30, 2015 | Posted by admin

War ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa dhinacyada ku dagaalamaya degmada Warsheikh loogu baaqay in si shuruurd la,aan ah u joojiyaan colaada ka soo cusboonaatay Degaano ka tirsan Degmada Warshiikh.

Warasaxaafeedka ayaa lagu sheegay in Dagaal uusan ahayen mid dan u ah Shacabka Degankaasi lagana fogaado barakac shacabka soo gaara dhimasho & dhaawacna uu dheer tahay.

Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe wuxuu aad ugu xun yahay in la dib loo bilaabay Dagaalkaasi aanan micno badan ku fadhinin qasaare moyee lana jabiyo Xabad joojinta horay loo dhex dhigay labada dhinac .

War Saxaafadeedka ayaa lagu canbaareeyay shaqsiyaad dano gaar ah leh kuwaasi oo hoos ka hurinaya Colaada labada dhinac u dhexeysa waxaana uu Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe uu tilmaamay in maalin lagula xisaabtami doono shaqsiyaadkaasi.

Maamulka ayaa ugu baaqay beelaha dega Degaankasi in ay garab istaagan nabadeeynta Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe horay u dhex dhigay labada dhinac waxaana uu Maamulka balan qaaday in Ciidamo si awood ah ku kala dhex galo loo diray degaankaasi Dagaalka dib ugu soo cusboonaaday.

Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe ayaa horay Gogol nabadeed ugu fidiyay Labada dhinac Magaalada Muqdisho iyadoo heshiis hor dhac ah lagu balamay ayna si wada jira u aqbaleen labada dhinac .

COMMENTS