July 30, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in ay dib gacantoooda ugu soo celin doonaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaas oo dagaallo xoogan oo dad ay ku dhinteen ku dhexmaray Ahlu Sunna iyo maamulka Gobolka Hiiran.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo kala taagersan Maamulada Gobolka Hiiraan iyo ahlu sunna aya shalay ku dagaalamay degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan halkaas oo lagu waday in loo magacaabo maamul cusub oo degmadaas yeelato.

Dagaal yahanno ka tirsan Ahlu Sunna ayaa weerar ku qaaday ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku sugnaa degmada Matabaan waxana lagu waday in maamul uu yeesho Degmada Matabaan looga dhawaaqo degmadaas laakin waxaa is hor taagay qaar kamid ah ciidamada maamulka Ahlu sunna oo qaab qabiil u abaabulnaa kuwaas oo diiday  in la dhiso maamulkaas ilaa iyaga lagala tashto.

Labada dhinac ayaa soo kala dhexgalay is fahmin la’aan iyadoo ugu dambeyn ay sababtay in halkaas uu ka dhaco dagaal qasaaro geystay oo dhexmaray labada dhinac.

Si kastaba Degamada Matabaan ayaa ka tirsan gobolka Hiiraan iyadoo Ahlu sunna ay deegaankaas u sheegato qaab qabiil lamana oga halka ay ku dambeyn doonno qilaafka soo kala dhexgalay dhinacyada Ahlus Sunna iyo Mamulka Gobolka Hiiran.

COMMENTS