February 19, 2013 | Posted by admin

Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa dhaliilay maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo gedo xili ay magaalada Kismaayo ka socoto qaban qaabada loogu jiro qabashada shir weyne lagu dhisayo maamulka Jubbaland Max’ed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo habka loo wado samaynta maamulka Jubbaland isagoona tilmaamay in wadada loo marayo dhismaha maamulkaas ay tahay mid aan sax ahayn.
Kaliil ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee uu ka biyo diidsanyahay isaga iyo maamulkiisa ay tahay inaan dowlada Soomaaliya shirkaas laga siin kaalintii ay ku lahayd wuxuuna ku eedeeyey dadka ku hawlan samaynta maamulkaas iney ka tallaabsadeen dowlada dhexe ee Soomaaliya isagoona ku eedeeyey iney garab mareen dowlada dalka ka jirta.
Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in kaalintii laga rabay iney dowlada Soomaaliya ka ciyaarto samaynta maamulka Jubbaland ay qaateen wadamo shisheeye sida uu yiri isagoona si cad carrabka ugu dhuftay in dowlada Kenya ay saameynta ugu weyn ku leedahay qorshaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo wuxuuna ku tilmaamay in arinaasi ay tahay wax laga xumaado.
wuxuuna shirkaas ku tilmaamay mid lagu abuurayo qilaaf ka dhex dhashay beelaha wada daga goboladaas wuxuuna sheegay in shiraak uu yahay mid meel uga dhacay qaranimada Soomaaliya isla markaane aan u adeegeen rabitaanka shacabka deegaanadaas,wuxuuna si cad u sheegay ineysan shir nuucaas ah ka qeyb galeen hadii ay yihiin gobolka Gedo,Kaliil ayaaa Kenya ugu baaqay iney ka waantowdo iska hor keenka bulshada Jubbooyinka sida uu hadalka u dhigay.
Shirka maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa lagu wadaa in 23 bishan uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaana ku qulqulaya magaaladaasi ergyooyin badan kuwaas oo ka kala imaanaya Muqdisho,Nairobi iyo goobo kale si ay uga qayb galaan shirka lagu dhisayo maamulka Jubbaland.

COMMENTS