DUHUR-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku baaqay in laga hortago dastuurka cusub ee qabyo qoraalka ah oo uu sheegay iney ku jiraan qodobo badan oo wax u dhimaya masiirka ummada Somaliyed qaar kalena laga tegay.
Tarsan ayaa sheegay in dastuurka cusub ee la qorsheynayo ansixintiisa aysan ku xusneyn magaalada Muqdisho iney tahay caasimada dalka uuna arintaas shaki gelinayo, sidaas awgeedna ay tahay iney in lagu baraarugo lagana hortago.
Muqdisho waa caasimadii dalka, waa muraayadii Qaranka waa hooyadii magaalooyinka dad yar oo kooban ma bedeli karaan awoodna uma laha mana aqbaleyno dastuur xaqiraya oo aan qoreynin iney tahay caasimada, dastuurka lasoo bandhigayna ma qorayo arintaas waa inaan diidnaa kana hor tagnaa ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan, Gudoomiyaha ayaa shalay warkaan ka sheegay mar uu ka hadlayey munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuudd Axmed Nuur Tarsan ayaa uga digay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho iney ansixinta dastuurka u soo xulaan dad aan wax garad aheyn.
Gudoomiyaha ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka ku shirsan magaalada Muqdisho inay ka fiirsadaan dadka ay u soo xuleyaaan ansixinta ama diidida dastuurka iyo xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waan ognahay dad lacag iidin kala daba ordaya oo idin leh hebel ii qor, hadaad keentaan nin aan magaciida qori karin masiirka iyo qaranimada umadda aan wax ka garaneynin beri ceebta ka timaada idinkaa qaadi doona taariikhduna meel xun baad ka geleysaan” ayuu yiri Tarsan.
Dastuurka qabyo qoraalka ee la hordhigay odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaan aheyn kii ay soo diyaariyeen Gudiyaddii madaxa banaanaa ee dastuurka balse waxaa dastuurkaan cusub diyaariyeen guddi farsamo oo ay magacaabeen saxiixayaasha, guddigaas oo uu gudoomiye u yahay.
Isku soo wada duube waxaa muuqata in dastuurkaan cusubi uu xaqirayo Caasimadda Magaalada muqdisho iyadoo Dastuurkaan qoristiisa ay gacan weyn ku yeesheen Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh oo ka soo jeeda Puntland iyo Madaxweynaha Puntlan Cabdiraxmaan Faroole .
Cabdiraxmaan Faroole ayaa qasbay in dastuurkaan lagu daro wax walba oo ay dalbanayeen Puntland hadii kalana waxuu sheegay inuu ka baxayo qorshaha Road Mab-ka, sidaa darteed ayaa loogu daray waxyaalo badan oo Puntland codsanaysay balse ka hor imaanayey midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Inkasta oo uusan tarsan ka mid aheyn Saxiixayaasha balse Tarsan waa nin awood siyaasadeed iyo mid Taageero kuleh dhamaan Koofurta Soomaaliya, Gudoomiye Tarsan sidii loogu magacaabay magaalada Muqdisho waxaa soo laabatay rajada Dadka muqdisho, iyada oo ay dadku arkaan waxqabadka Gobolka Banaadir.

All Posts
BBC 0400 GMT








