December 20, 2013 | Posted by admin

Wefdi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir oo gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa waxay lacagahaan ku wareejiyeen Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Wefdigaan, ayaa waxaa horkacaayay Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Amiin Nuur Iikar, waxayna Munaasabada lacag wareejinta ay ka dhacday Hotel Rugsan ee Bartamaha Magaalada Garoowe.

Amiin Nuur Iikar oo ka hadlay Munaasabada deeq wareejinta, ayaa wuxuu sheegay in lacagahaan ay isugu jiraan qayb uu bixiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo qayb kaloo, ay ka soo uruuriyeen shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Amiin, ayaa sheegay in lacag uruurintaan uu bilaabay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Ku Xigeenka Tarsan, ayaa wuxuu dadka Somaliyeed uu ku booriyay in ay isku gurmadaan, kolka uu dalku wajaho musiibooyin dabiici ah, maadaama ay dadka Somaliyeed yihiin buu yiri dad walaalo ah.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, ayaa wuxuu ammaan u jeediyay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dareenka wanaagsan ee ay muujiyeen.

Wasiirka Deegaanka ee Maamulka Puntland iyo xubno kale oo ka socday Puntland, oo Munaasabadaan ka soo qaybgalay, ayaa waxay qireen in dadka Somaliyeed ay dhexdoodu isku gurman karaan, isla-markaana laga maarmi karo in shisheeyaha wax laga suggo.

COMMENTS