January 12, 2013 | Posted by admin

Muqdisho- Gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay furteen in ajnabi ah oo looga heestay wadanka Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana ay ka bixiyeen gacantooda ninkaan u dhashay wadankaasi Faransiiska.

C/qaadir Siii gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in warkaasi uu haatn asu xaqiijinaayo isla markaana uu yahay war hubaal ah.

Inkastoo gudoomiyaha gobalka uu sidaan sheegayo ayaa hadana waxaanan jirin  ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada Farnsiiska oo ku aadan arintaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegay in ay gacanta ku sii dhigtay ciidamo kale oo faransiis ah oo ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday.

Degmada Buula-Mareer ee gobalka shabeelaha Hoosea ayaa waxaa ka dhacay weerar ay ciidamada Faransiiska ay ku qaadeen xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Ilaa iyo iminka sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Soomaaliya oo ku aadan weerarkaan ciidamada Faransiiska ay ka geesteen gudaha wadanka Soomaaliya.

COMMENTS