April 28, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Maamulka gobalka Hiiraan ee dowlada KMG ayaa ka soo horjeestay hal maamul oo ay ku mideesanyihiin gobalada Dhexe in la sameeyo.

Maxamed Nuur Dabaashe Cagajof oo ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan maamul gaar ah loo sameeyo gobalada dhexe.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad u ololaynaya sidii maamul gaar ah loogu samayn lahaa gobaladaasi laakiin wuxuu sheegay taasi in aanan ayaga lagu soo wargalin isla markaana aysan waxba kala socon.

Maxamed Dabaashe ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in gobalka Hiiraan uu haatan ka jiro maamul dhisan oo hoostaga dowlada KMG Soomaaliya isla markaana aanan loo baahnayn in carqaladayn lagu sameyo maamulkaasi.

Dhanka kale wuxuu Edeeyn u jeediyay masuuliyiinta ku howlan maamulkaan wuxuuna sheegay in ay yihiin rag aanan waxba kala socon marxaladihii ay soo mareen gobaladaan, laakiin ayagu yimid oo kaliya markii deegaanada qaar laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Hadalkaan ka soo yeeray maamulka gobalka Hiiraan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili masuuliyiin ay qayb ka yihiin xildhibaano ay dadaal ugu jiraan sidii ay maamul ugu samayn lahaayeen gobalada Dhexe.

COMMENTS