August 15, 2017 | Posted by admin

Magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabtay kulan looga soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameyay Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulahi Cosoble oo maalintii shalay ay kalsoonida kala noqdeen xildhibaano gaaraya 68 mudane.

kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka gobolka Hiiraan oo u horkacayo guudoomiyaha gobolka Cumar Aadan ibraahim Baadiyow,maamulka degmada Baladweyne,waxgaradka gobolka,ururka haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaaso dhamaantood wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka xildhibannada ay xilka uga qaadeen Madaxweyne cosoble.

Dadkii ka qayb-galay ayaa waxa ay ka soo Hor jeesteen Xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Lama oga Meesha uu ku dambeen doono Qilaafka soo kala dhax-galay Maamulka Hirshabeelle oo Hada hawada Galay.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS