September 25, 2016 | Posted by admin

Maamulka gobalka banaadir ayaa amar ku bixiyay in la dar dar geliyo lacagaha canshuuraha ee laga qaadayo guryaha ku yaala degmooyinka gobalka banaadir.

Afayeenka maamulka gobalka banadir cabdi fitaax cumar xalane ayaa sheegay in lagu dhawaaqay gudi uxil saaran qaadista lacagaha canshuuraha ah,

Waxaana loo xil saaray dhamaan gudoomiye Ku xigeenada degmooyinka gobalka banadir in lacagahaasi ay qaadaan.

Shacabka ayaa loogu baaqay in ay udhega nug laadaan qaadista lacagaha canshuuraha ee laga qaadayo islamarkaana ay shacabka la shaqeeyaan.

Lacagahaan canshuuraha ayaa waxa ay yihiin lacago sanadla ah waxaana la qaadaa sanadkiiba hal jeer waxaana hada lagu baaqay in la dar dar geliyo.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS