August 12, 2017 | Posted by admin

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta  ku guuleystay in dib loo furo waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP, taasoo in muddo ah u xirneyd sababo amni.

Wadadan oo ah laami ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan ay halbowle u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wadadan ayaa fududeyneysay marka wadada Maka Al-Mukarama uu noqdo mashquul in la aado waddooyinka kale, sidoo kale gaadiidka raba inuu aado dhanka Isgoyska KPP ayaa ku qaadaneysay inuu soo maro waddo wareeg aheyd.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay wadada xirneyd, waxayna halkaas kaga dhawaaqeen in wixii hada ka dambeeya ay furan tahay wadada.

 

Gadiidleyda ayaa soo dhoweeyay furitaanka wadadan oo hore loo diiday in la maro, waxaana laga jareynayaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga inay furaan waddooyinka kale ee sababaha amniga u xiran.

COMMENTS